QAB IYO QUURSI
Halgame Koombe miyi buu ku dhashay oo uu ab iyo isirba ku lahaa. Nolol awoowayaal laga soo gaaray oo dhibkeeda iyo dheefteedaba leh, dhibkuse dheefta...
Also Available in:
- Amazon
- Audible
- Barnes & Noble
- AbeBooks
- Kobo
More Details
Halgame Koombe miyi buu ku dhashay oo uu ab iyo isirba ku lahaa. Nolol awoowayaal laga soo gaaray oo dhibkeeda iyo dheefteedaba leh, dhibkuse dheefta mar kasta shiiqiyo, ayuu ku kacaamay. Waa adduun noloshiisu dhanujeed aan is beddelin tahay, qallafsantahay, xeer “ninkii rooni reerka ha u haro” la yiraahdaadaana uu gacanta sare leeyahay. Dabadeed, noloshii miyiga mid ka duwan oo “magaalow” la yiraahdo ayaa curatay. Dhaldhalaal iyo macmacaan soo jiidahso leh ayay la curatay. Degdeg ayay u karaar qaadday oo dad badan miyiga ug soo jiidatay. Halgame Koombe, isaga oo aad u da’ yar ayuu go’aansaday in uu noloshaa adduunyada kale ka war doono oo aanay waxba ku seegin.
Waxaa garab socday wax kale oo iyaduna cusbayd oo “Dawladnimo” la yiraahdo. Halkaa ayay miyi, magaalow, iyo maamul dawladeed foodda isku dareen, illeen is ma dhawran karaan e. Ninkii roon baa reerka u haraya ayay isugu dardaarwariyeen.
Waxay legdamaanba, tabihii miyi bay guushu u liicday. Dhaldhalaakii magaalo la isugu soo gal! Tii dawladnimo ahayd iyada nafba lagu ma soo gaarin. Judhii la is galayba naf yar oo aan sidaaba ugu sii jirin ayaa ka dhillatay, dabadeedna haraggeeddii baa la isku qabsaday. “Ninkii rooni haragga ha u haro!”, “Nin xoog lahaa xaajo u toostaa”, qayladhaamo iyo isu habarwacasho reer miyi-magaalo-galtimacruuf oo maqaarka dawladnimadii laqmatay lagu kala jiidanayo ayaa cirkaa isku shareeray.
Taa oo taagan ayuu Koombe ku dhashay. Waa dhallaan isaga oo aan dhalan la dhacay oo aayihiisii dambe waa hore ceeriinka lagu kala goostay. Sidaa oo ay tahay, qab aanu qorshe ka dambayn ayuu dunida la yimi judhii u dhshayba. Waxaa la oran karaa, uurka hooyo ayuu uga soo qalabqaatay sidii uu loollanka haragga meel muuqata uga geli lahaa. Waxa uu indhaha ku kala qaaday haraggii oo la isku haysto iyo “xeerka kaynta” oo si aan ka soo laabsho lahayn loo ansixiyay. Illeen dhallaan kayntaa ku dhashay fadhi u ma yaal e, waa in uu daqiiqadaha horaba sida ugaadha cagahiisa ku istaagaa oo uu wax iska dhicin ama baxsasho mid uun muujiyaa, si aanu xeerka kayntu u qaban.
Halgame Koombe, waxaa uu marinta sheekada Qab iyo Quursi: Halgankii Koombe kaga warramayaa wixii ka soo maray kayntii kadeednayd, loollankii haragga halka uu ka galay iyo halka uu ku dambeeyay. Waa taariikhayn nololeed dhab ku dhisan se dheel u qoran. Sidee wax u dhaceen, maxayse ku dambeysay? Adiguba, akhristow, ka war keen.
- Format:Hardcover
- Pages:294 pages
- Publication:2020
- Publisher:HIIL PRESS
- Edition:2
- Language:som
- ISBN10:9198442023
- ISBN13:9789198442021
- kindle Asin:9198442023









